Ganacsigan 2024 waa in aad Bilowdaa Affiliate Marketing -
affiliate marketing

Ganacsigan 2024 waa in aad Bilowdaa Affiliate Marketing

sida aynu wadda oganahy waxa maalmo kooban ka hadhsan yahiin sanadkiii cusbaa sidaa darteed waa muhiin in aad ganacsi cusub bilowdo, haddaba waxa jirra boqolaal ganacsi oo online ah iyo habab badan oo onlineka lacag looga sameeyo.

lkn nasiib xumo business online walba ma ah mid fudud ama somali ahaan ayn isticmaali karno, sida darteed waxa aan halkan idinkula wadaagi doona online bsuiness aad si fudud ku bilaabi karto dhaqaale fiicana aadka samayn karto.

Affiliate marketing business

affiliate

Haa ganacsiga aynu maanta ka hadli doona waa affiliate marketing, waa laga yaaba in aad marar badan maqashay ama aad isku dayday in aad ganacsigan lacag ka samayso, haddaba waxa aan kula wadaagi doona sababta an ganacsigan u jeclahay siddo kalana aan online businesska kale uga dhex doortay. 

Muxu yahay affiliate marketing

Affailiate Marketing sii kooban waxa weeye in aad xayaysiiso oo aad suuq geyan u samayso shirkadaha kale alaabtood, kadibna aad ka hesho khidmad ama commission ah 10% ilaa mararka qaar 100%.

Muxu faaiido leeyay affiliate marketing

Affiliate marketing waa gaancsi aad online iyo waliba offline ugaga shaqaysan karto, haday noqoto dalkii iyo dibadaba, hadda waxa aynu eegi doona faiida ganacsigan leeyay.

  • Cost-effective

    Faiida oowaad ee ganasigan waxa weeye in aad ku bilaabi karto lacag kooban, mararka qaarna aad ku bilaabi karto qaab free ah, haddii aad lacag ku bilow waxa laga yaaba in aad kharash kaliya ah 70$ aad galiso ganacsigan. taaso ah samaynta website iyo domainka.

  • Passive income

    Ganacsigan affiliate marketing waxa aad ka samayn karta dhaqaale joogta ah, maadama aad online ugua shaqaynsan karto.

  • Flexibility

    Affailiate marketing faaiidada kale uu leeyahay waxa weeye in aad adigo jooga gurigaaga aad ka shaqaysan karto affiloate marketing

  • No Approved

    Affailiate Marketing faaiida kale uu leeyahay waxa weeye in aanad u baahany wax approved ah sidda adsense oo kale. affiliate marketing isla markiiba waad bilaabi kartaa.

Qaybaha affiliate marketing

affiliate marketing

Affiliate marketing waxa loo qaybiya dhowr qaybood kuwaaso oo kale duwan oo mid waliba uu leeyahay faaiio gaar ah, waxana kamid ah qaybaha affiliate marketing.

  • Per-sale commission

    Qaybtani waxa weeye in aad commison ku hesho mar walba oo aad macmiilka aad keenta uu iibsado alaabta shirkada aad xayaysiinta u samaynayso.

  • Per-click commission

    Affiliate marketing qaybtani waxa weeye in aad commission ama khidmad ku hesho mar walba oo aad macmiilka aad keenta uu booqdo website shirkada.

  • Per-lead commission:

    Qaybtani affiliate marketing waxa weeye in aad khidmad ku hesho mar walba oo aad macmiilka aad keenta uu iska diiwan galiyo, shirkada , muhiinma ahaa in uu alaab iibsado, lkn marba hadduu is diiwan galiyay oo emailkiisa galiyo, qaabkaas ayaad lacag ku helaysaa.

  • Cost-per-impression (CPM)

    ContenQaybtan affiliate waxa weeye in aad commission ku hesho inta qof ee aragtay xayaysiinta aad shirkada u samaysay.

Affiliate commission Payment type

affiliate marketing

Affiliate marketing maadama uu yahay business ku salaysan commission ama khidmad, haddaba waxa jirra habab badan oo ay shirkaduhu ku bixiyaan commission ama khidmada ay ku siinayan waxaana kamid ah kuwan soo socdaa.

  • One time Payment

    Affiliate marketing qaybta commission ee shirkaduhu bixiyaan waxa kamid ah midka loo yaqaano one time payment, taaso oo ah mar walba oo aad amcmiilka aad keenta uu alaab iibsado waxa aad helaysa lacag ama khidmad taaso oo ah hal mar, tusaale ahaan haddii macmiilkaas muddo badan alaabta iibsado adigo hal mar kaliya ayaad commissionka helaysa.

  • Reccurring Payments

    Qaybtani waxa weeye in shirkadu ku siiyan khidmad joogta ah, tusaale ahaan haddii aad hal macmiil keento kaaso oo 30% lagugu siinaya , waxa ay u dhigan tahay in bil walba oo macmiilkaasi adeega isticmaalo aad adna helayso khidmadaada.

  • Two-tier affiliate programs

    Qaybtana waxa weeye in aad mar walba oo aad keento qof rabba in uu sii xayaysiiyo shirkadahaha , mar walba o qofkaasi affiliate marketrs ahi uu shirkadaas lacag u keeno, adna waxa aad helaysaa khidmad kooban

Faiida shirkadaha Benefits for merchants

affiliate marketing

Waxa laga yaaba in aad is waydiiso waa maxay sababta ay shirkaduhu affiliate marketing waxaaso kharash ah ugu bixiyaan, maxaase iyaga faaiido ahaan ay ka helayaan? 

Waa run lacag badan ayay ku bixinayaan lkn mar walba waxa ay faiido ka helayan waxa mid ah.

  • Helitaanka macmiil

    Maadama aad macaamiil u keenayso, faiida ay ku qabaan waxa weeye macmiilka aad u keenatay wuxu noqonaya macmiil shirkada ku xidhan oo alaabhod iibsada.

  • Cost-effective

    Faaiida kale ee shirkaduhu ku qaban affiliate marketing waxa weeye in ay lacagtii ay xayaysiinta ama google ads ay ku bixin lahaayeen ay u baaqato, tusaale ahaan google ads halkii click waxa ay ka qaadayan 0.10 ilaa 1$ lkn marka affiliate la jooga waxa suura gal ah in ay 200$ siiyan qof youtube ah oo ilaa10kun dad ahi ku xidhan yihiin kadibna ay halkaas ka helaan ugu yaraan 1k macmiil

  • Increased brand awareness

    Faaiida kale ee ay shirkadaha bixya affiliate ku qaban waxa weeye in alaabtoodi ama shirkadoodi gaadho dad badan, kuwaaso oo bari ka maalin wax ka iibsan kara, maadama ay barteen shirkada iyo adeegyada ay bixiso.

Shirkadaha bixiya affiliate marketing

Waxa jirra boqolaal shirkadood kuwaas oo bixiya affiliate programs, siddo kale waxa jirra labba hab oo aad ku heli karta shirkadaha affiliate marketing bixiyaa, tusaale ahaan shirkad walba gaarkeed ayayu bixisaa affiliate, siddo kale waxa jirra platform ay ku jiraan shirkado badan oo affiliate bixiyaa tusaale ahaan.

Siddee affiliate marketing ku bilaabi

affiliate marketing

Marka aad bilaabayso affiliate marketing waxa jirra habab la raaco iyo qaab la raaco si aad u bilowdo affiliate marketing business.

  • Choose a niche

    Talaabda koowad awaxa weeye in aad raadiso niche ama mowduuca aad ku fiican tahay tusaale ahaan, health affiliate, fitness, business, hadba kii aad ku fiican tahy raadi.

  • Create website or youtube

    Marka aad hesho niche aad rabto talaabada xigta waxa weeye in aad samaysto website waliba wordpress website ah, kaaso waxbadan ka caawinayaa

  • Join an affiliate network

    Raadi shirkadaha bixiya affiliate marketing, adigoo u u eegaya commission ay bixinaya iyo adeega ay bixinayaan.

  • Create valuable content:

    Diyaari oo qor content tayo leh, haday noqoto video, blog article, ama facebook ama instagram post. ku saabsan affiliate markting aad xayaysiinyso.

  • Promote your affiliate links

    Inta marka aad samayso waxa muhiin ah in aad xayaysiin iyo suuq gayn u samayso website, maadama ffiliate yahy khid ama commission waxa muhiin ah in aad traffic raadiso.

  • Track your results

    Siddo kale waxa muiin ah in aad track iyo tixraac ku samayso meelaha website laga soo booqanayo, inta click aad heshay inta lead aad heshy iyo inta commission ah aad heshay.

Siddee lacag ugula baxaa affiliate marketing

affiliate marketing

Talaabadani waa ta ugu dambayso, hambalyo haddii aad halkan soo gaadhay, waayo affiliate marketing marka aad commission ka hesho waxa muhiin ah in aad ogaato qaabki aad kula bixi lahayd. haddab 90% affiliate marketing waxa aad kula bixi karta intan option.

Muddo intee leeg lacag ka heli karaa

affiliate marketing

Haddaba marka laga hadlaayo affiliate marketing muddo intee leeg ayaad lacag kaga samayn karta? maadama affiliate  marketing yahay business ku shaqeeya per commission ama khidbad, mudada aad lacagta kaga samayn karta waxa ay ku xidhan tahay sidda aad u dedaasho ama aad traffic fiican ugu keent.

Waxa muhiin ah in aad niyaa galiso affiliate marketing waa ganacsi time badan qaadan kara lkn haddii ad u samirto waxa aad ka samyn karta lacag joogta ah.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *


Welcome to [Lacagsame], your ultimate destination for insightful articles spanning the realms of finance, nature, technology, sports, and digital marketing.

Company

Privacy Policy

Terms and conditions

Disclaimer

Contact

Fell free to contact us anytime

© 2023 Created with lacagsame.com

Scroll to Top